Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaarayaal hore oo kahor yimid Qorshe ay wadaan Madaxda Dowladda

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya xilligan ugu saameynta badan dalka ayaa si weyn uga hor yimid qorshe ay madaxda dowladda federaalka ugu sareysa ku dooanayaan in muddo kordhin ku sameestaan

Qoraal wadajir u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif, Ra’iisul Wasaarayaashi hore, Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka Shariif Xasan iyo C/qaadir Cosoble ayaa waxay ka digeen muddo kordhinta ay wadaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka.

Siywasiyiintan qoraalka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in aanay jirin baahi hadda taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin, waxaana ay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo Horumariyaha Mabaadiida aas aasiga ah ee Dastuurka.

Related posts

Kooxda Al-Shabaab Oo Heshiis Laba Sano Ah La Gaartay Somalia

Cabdi Cade

Dib u dhac ku yimid War-Murtiyeed laga soo saari lahaa Shirka Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Faahfaahin: Saldhigyo ay laheyd Al-Shabaab oo duqeymo cirka ah lagu burburiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---