Mid ka mid ah taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir oo saaka la dilay

Dabley hubeysan ayaa saaka waxay Magaalada Muqdisho ku dileen Taliyihii saldhigga Booliska degmada warta-nabadda ee Gobalka Banaadir.

Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalim Daahir, waxaana uu dilku ka dhacay meel u dhow saldhiga degmada Warta Nabada.

Xoghayaha degmada Warta Nabadda Cali Aadan ayaa warbaahinta u xaqiijyey dilka taliyihii Ciidanka Booliska degmada Warta Nabadda.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah oo halkaas ka dhowaa.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay halkaasoo ay ka sameeyeen baaritaano kala duwan.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku soo kordhay dilalka loo geysto Dadka Rayidka ah iyo askarta ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -