Dagaal dib uga qarxay magaalada Laascaanood iyo Ciidamo cusub oo halkaasi la geeyay

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in saakay mar kale dib u qarxay dagaalkii iyo duqeymihii ka socday magaalada, oo maalmihii lasoo dhaafay xaalkeeda wax xoogaa deganaa.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa saakay bilaabay in madaafiic iyo hub culus uu ku jiro qorayga loo yaqaan Kaaraha ku garaacayaan magaalada Laascaanood, waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas kale oo labada dhinac is dhaafsanayaan.

Dadka deegaanka iyo ciidamada taabacsan ayaa iyagu adkeesanaya joogitaanka magaalada, waxa ayna dhankooda ciidamada Somaliland ku ridayaan hubka nuucyada kala duwan ee heestaan.

Dhinaca kale maamulka Somaliland ayaa ciidamo badan ku daad-gureenaya magaalada Laascaanood, waxaana saacadihii lasoo dhaafay jiidaha hore ee dagaalka Somaliland geesay ciidamo badan oo laga qaaday magaalada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof oo isugu jira shacab iyo ciidan, waxaana laga cabsi qabaa haddii dagaalka sii socdo in khasaaraha inta hadda la ogyahay uu kasii bato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -