Madaxweyne Deni oo la kulmay wafdi ay horkaceyso Amanada Valentin (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda SILC (Swedish International Liberal Centre) ee dalka Sweden.

Waxaa wafdigan hoggaaminaysa Marwo Amanada Valentin waxaana ka mid ah wafdiga Siyaasiga Cabdulqaadir Salaad Cali Loonge oo ka mid ah Xisbiga Liberal ee Dalka Sweden.

Kulanka ayaa looga hadlay hirgelinta Doorashada hal Qof iyo Hal cod oo Dowladdu ka qabanayso degmooyinka Puntland, isla markaana ay door muhim ah ka qaadanayso Hay’adda SILC oo ka shaqeysa arrimaha Dimuqraadiyadda.

- Advertisement -