(Daawo Sawirro) Khasaare lixaad leh oo ka dhashay dab qabsaday Suuqa weyn ee Jigjiga

Khasaare lixaad leh ayaa ka dhashay dab xoogan oo shalay ka kacay qeyb ka mida suuqa ganacsiga ugu weyn ee magaalada Jigjiga caasimada dowlad degaanka Soomaalida.

Dabkan oo gaystay khasaare hantiyeed ayaa kacay shalay abaaro 5-tii subaxnimo, isagoo socday muddo saacado ah ka hor intaan la bakhtiin barqadii shalay.

Gurmadka degdega ee dab damiska iyo ciidanka oo kaashanaya shacabka magaalada ayaa ku guulaystay xakamaynta iyo daminta dabkaasi oo baabi’iyey qeybo badan oo ka mid ah suuqaasi.

Ma jiro wax khasaare nafeed balse waxaa jirra burbur hantiyeed oo uu sababay dabkaasi.

Maamulka magaalada Jigjioga u mahad celiyay gurmadka degdega ah ee dabdamiska iyo ciidanka oo si hagar la aana gurmadka ugu fidinaya badbaadinta hantida bulshada.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in dabkaas weyn ee suuqa ka kacay bakhtintiisa uu ka qeyb qaatay hal gaari oo Dab-demis ah kaliya, waxaana ganacsatada Suuqaasi ay si weyn u dhaliileen sida gaabiska ah oo maamulka magaaladu wajahay dabkaas.

Ganacsatada ayaa sheegay in khasaare ba’an oo gaaraya malaayiin dollar uu ka soo gaaray dabkaas, ayna ceyroobeen

Bishii March ee sanadkii hore ayey ahayd markii uu sidan oo kale Dab weyni uga kacay suuq ganacsiyeedka magaaladda jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida kaaasoo sidoo kale khasaare xoogan geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -