Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro dhimasho sababay oo ka dhacay Dhuusomareeb iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in saakay qarax miino oo dhaliyay khasaaro kala duwan uu ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlagal gobolada Dhaxe ee dalka.

Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa ku dhintay qaraxan miino ee ka dhacay duleedka magaalada Dhuusomareeb, waxaana qaraxa ka badbaaday saraakiil milatari oo la socday kolonyada la qarxiyay.

Ciidamada milatariga ayaana qaraxa kadib howlgalo baaris ah ka sameeyay goobta qaraxa lagula eegtay, lamana sheegin wali dad ay ciidamada milatariga Soomaaliya usoo qabteen qaraxan miino.

Qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Dhuusomareeb ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dagaal culus oo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidamada milatariga ka dhaceen deegaano kuyaala duleedka magaalada Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aas Qaran oo loo sameeyay Marxuum Abwaan Hadraawi iyo Madax ka qeyb gashay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlad goboleedyada oo War ka soo saaray xalinta khilaafka kala dhexeeya dowladda

Caydiid Ali

Gaari nuuca aan xabadaha karin oo loo adeegsaday Qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---