Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay in ay dileen Horjooge katirsanaa Ciyaalka Weerada

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho ku dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Cabduqaadir Carab, kaa oo caan ka ahaa deegaanka lagu dilay.

Goobta dilka ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, kuwaa oo baaritaano aan natiijo kasoo bixin ka sameeyay goobta oo la sheegay in mar hore isaga baxsadeen ragii dilka geestay.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada dilka ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahim, waxa ayna Al Shabaab sheegeen ninkan ay dileen in uu katirsanaa horjoogayaasha ciyaalka weerarada.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ee lagu baahiyay barahooda ayey sidoo kale ku sheegeen ninkan ay dileen uu kamid ahaa dadka sida weyn uga ganacsada maandooriyaha loo yaqaan xashiishka iyo taabuuga.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Al Shabaab ee ku aadan ninkan ay dileen in uu katirsanaa ciyaalka weerarada sidoo kale ka ganacsan jiray maandooriyaha, waxa uuna dilkan imaanayaa xilli Al Shabaab u hanjabeen ciyaal weerada iyo dadka ka ganacsada maandooriyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo kulamo kala duwan la yeeshay James Swan iyo Mrs. Heidi Johansen (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad ka tirsan Yurub oo loo magacaabay golihii Wasiirada ee ugu yaabka badnaa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Wasiiradda oo xil ka qaadis iyo Magacaabis cusub maanta sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---