Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo Eedeymo culus u jeediyay Muuse Biixi

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo saakay warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee muddo saddex isbuuc ku dhaw magaaladaasi ka socda.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa ugu horey tacsi u diray dadkii ku dhintay dagaalka iyo duqeymaha ku socday magaalada Laascaanood, waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay colaada Laascaanood.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in laga baaqsan karay khasaaraha tirada badan ee ka dhashay dagaalka Laascaanood iyo barakaca dadka shacabka ah, waxa uuna sheegay in sida wax u dhaceen ay yihiin wax aad u xun.

Waxa uu sheegay in uu sameeyay dedaalo badan oo u arkayay in xal yihiin loogana baaqsan karay colaadan dhiigga badan ku daateen, waxa uuna xusay in dedaal walbo uu sameeyay ka socon waayeen dhinaca madaxweyne Muuse Biixi.

“Anigu waxa aan metalaa Gobolka Sool, runtii waxa aan sameeyay dedaal badan balse ka socon waayay dhanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Xadhig weliba oo nabadda ah ee aan xidho waa uu furfuraa” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 100-qof oo shacab u badnaa, waxaa sidoo kale dagaalka ku barakacay inta badan dadkii kunoolaa magaalada ,kuwaa oo hadda deegaanno kale ku dhibaateesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -