Allbanaadir.com
NEWS

Muhaajiriin badan oo lasoo bad baadiyay xilli Doon ay saarnaayeen ay la dageysay

Ciidanka ilaalada xeebaha ee dalka Tunisia ayaa soo bad baadiyay muhaajiriin badan oo halis ugu jiray in ay doon ay la socdeen la degto, waxa ayna muhaajiriintan kusii jeedeen dalka Talyaaniga.

War kasoo baxay dowlada Tunisia ayaa lagu sheegay in ciidamada ilaalada xeebaha soo bad baadiyeen 150-qof oo muhaajiriin ahaa, kuwaa oo cilad ku timid doontii ay la socdeen ayna qarka u saarnaayeen in ay la degto doonta.

Dadkan laga soo bad baadiyay biyaha dalka Tunisia ayaa la sheegay in ay kasoo jeedaan waddamo kala duwan oo katirsan qaarada Afrika, waxa ayna damacsanaayeen dadkan in sharci darro ku galaan Talyaaniga si ay dalal kale uga sii gudbaan.

Afhayeenka ilaalada Qaranka Tunisia, Xasaamudiin Al-jabaabili  ayaa sheegay in ay ciidanka ilaalada xeebaha fashiliyeen 5 Isku-day Tahriib oo ay muhaajiriinta ku doonayeen inay kaga gudbaan soohdin-baddeedka dalka Tunisia.

Muhaajiriin badan oo doonyo kaga reebay xeebaha dalalja Tunisia iyo Libiya ayaa ku dhintay badda, kaddib markii ay la degtay doonyihii ay saarnaayeen, halka kuwa kalana lasoo qabtay kuna jiraan xabsiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo xanibay hub Nuclear ah oo Maraykanku dhigtay Saldhig ku yaalla dalkooda

Caydiid Ali

Xildhibaan Ilhan Cumar oo Halis wajaheysa iyo Hanjabaadyo culus oo loo diray

Cabdi Cade

Guri kuyaala Muqdisho oo mudo 30-sano xoog lagu heestay oo maanta la wareejiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---