Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Adan Madoobe & wafdigiisa oo gaaray Baqdaad & Xog ku aadan ujeedka safarkooda (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay  gaaray magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Waxaa garoonka diyaaradaha Baqdaad ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalin-guur).

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo dalkaasi uga qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta ayaa loo gudbiyey hoyga martida.

Waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanka Carabta ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Mudane Muhamed Al-Halbousi.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhigiisa uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira kamid noqoshada urur gobaleedka Bulshada Bariga Afrika

Cabdi Cade

Ajendaha looga hadlayo kulanka ugu horeeya ee Golaha shacabka oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka oo War cusub ka soo saartay xanuunka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---