Dowlada Turkiga oo war ka soo saartay qarax saaka lagu weeraray saldhigooda Muqdisho

Dowlada Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee Turksom ee duleedka magaalada magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan saddex qof oo uu ku jiray nin isku qarxiyey afaafka hore ee saldhiga Turkiga ayaa ku geeriyooday weerarkan sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Turkiga.

”Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah ee kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”. ayaa lagu yiri qoraal ka soo Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan, waxayna sheegeen in dagaalyahan ka tirsan kooxdooda uu isku qarxiyay bar ay ku sugnaayeen ciidamo tababar loo qaadanayay oo saf kaga jiray bannaanka hore ee xerada Turkesom.

Ciidamada Ilaalada Dugsiga tababarka Turkey Som ayaa toogasho ku dilay ismiidaamiyaha doonayay inuu dhex galo dhallinyaro arday ah oo doonayay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -