Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland oo duulay dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa safar aan hore loo shaacin maanta ugu kicitamay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Biixi oo aan saxaafadda la hadal markii uu dhoofiyay ayaa waxa safarkaasi ku wehlinayay shan wasiir oo kala ah, Wasiirrada arrimaha dibedda, Qorshaynta, Ciyaaraha, Arrimaha Dastuurka iyo Biyaha, iyo sidoo kale, guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Safarka Madaxweyne Biixi ayaa ku soo beegmay xilli ay mudanayaasha labada baarlamaan ee Federaalka ah iyo kan Somaliland ay siyaabo iska horjeeda u ansixiyeen  heshiis saddex geesood ah oo dhexmaray Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World

Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid aan jirin, iyagoo dalka ka mamnuucay Shirkadda DP World, halka golaha Wakiillada Somaliland isna ku tilmaamay heshiiskaas mid sharci ah oo aan khusaynin baarlamaanka Soomaaliya.

Safarka Biixi ee dalka Imaaraadka ayaa ku soo aadaya xili maalinta beri ah lagu wado in madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ay iyana booqasho ugu kicitimaan dalka Qadar.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -