Duqeymo culus oo saaka ka dhacay Magaalada Laascaanood & Wararkii u dambeeyey

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood madaafiic dhowr ah ayaa saaka waaberigii lagu duqeeyey qeybo ka mid ah magaalada.

Madaafiicdan ayaa ku habsaday qeybo ka mid ah bartamaha magaalada Laascaanood, waxayna cabsi fara badan iyo argagax ku abuureen shacab fara ku tiris ah oo weli magaaladaas ku nool.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan ay soo rideen ciidamada Somaliland ee hareeraha magaaladaas kula dagaalamaya ciidamada degaanka ee SSC la baxay.

Rasaas goos goos ah ayaa sidoo kale saaka laga maqlay goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.

Weli lama oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeynta iyo dagaalada goos gooska ah ee saaka ka dhacay magaalada Laascaanood oo labadii todobaad ee u dambeeyey ay ka taagneyd colaad xooggan.

Dhinaca kale, waxaa socda dedaalo lagu joojinayo dagaalka ka socda Laascaanood, iyadoo Maamulka Somaliland uu sheegay inay ergo madax dhaqameed ah u dirayso gobolka Sool, si ay ula soo xaajoodaan isimada dhaqanka ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -