Dekeda Muqdisho oo markii ugu horeysay shaqo bilowday xili habeen ah (Daawo Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Dekedda Muqdisho ay shaqeyso xilli habeen ah ka dib markii dhawaan uu Madaxweyne Farmaajo amray in si deg deg ah dekedda Habeenkii looga shaqeysiiyo.

Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay la socdeen xubno ka tirsan golaha wasiirada, saraakiisha amaanka kormeeray caawa dekeda.

Waxay u kuur galeen sida howlaha dejinta iyo dhoofinta uga socdaan xiliga habeenkii gudaha dekeda, iyo haddii ay jiraan caqabado u baahan in la xaliyo.

Waa markii ugu horeysay muddo 28 sano oo dekeda Muqdisho ay shaqeyso xili habeen ah, waxaana talaabadan soo dhoweeyey ganacsatada wax kala dega, kana dhoofsada dekeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -