Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamadii C/rashiid Janan ee lagu qabtay dagaalkii B/xaawo oo la geeyey Magaalo kale

Degmada Doolow ee gobolka Gedo waxaa xalay la gaarsiiyey ciidamadii maamulka Jubbland ee dhawaan lagu qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada Beled-Xaawo, kaasoo u dhaxeeyey ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka.

Gaadiidka waaweyn ee Soomaalidu u taqaano Waaraadka oo lagu daabulay ciidamada ayaa xalay gaaray halkaas sida ay sheegaeaan dad goob joogayaal ah, waxaana lagu xareeyay xero ciidan oo ku taalla degaan u dhow Doolow oo lagu magacaabo Buundo-Garas.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadaas ay dhawaan booqan doonaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan tegaya gobolka Gedo.

Degmada Beled-Xaawo oo ciidankan lagu qabtay maalin ka hor waxaa ka dhacay dagaal dad badan ay ku dhinteen oo halkaas ku dhexmaray ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan wasiirka amniga Jubbaland iyo kuwa dowladda ee dhawaan la geeyey Gedo.

In ka badan 30-of ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, halka ugu yaraan 40 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada qaar la soo gaarsiiyey magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin sida laga yeelayo ciidamadaas dagaalka lagu qabtay, hasa yeeshee wararka la helayo ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in dhawaan loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/vHyHdrCCIp4

Related posts

Caro iyo hadal heyn ka dhalatay Sawir laga qaaday wasiir Pakistan ah iyo safiir Sucuudi ah !

Cabdi Cade

Gaadiid & hub ciidanka DF looga qabsaday Ceel-saliini oo la soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Milateriga Itoobiya oo gaaray hareeraha Magaalada Makelle, digniina soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---