Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gen. Biixi: “117 dagaalyahan ayaa khawaarijta looga dilay degaanka Doonyaale”

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi, ayaa si faahfaafsan uga hadlay howlgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo  ciidamada dowlada iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ka sameeyeen degaanno ka tirsan gobolka Mudug.

General Biixi ayaa sheegay in dagaal iyo duqeyn xooggan ka dib ay ciidamadu huwanta ah la wareegeen degaanka Doonyaale oo u dhaxeeyo magaalooyinka Bacaadweyne iyo Camaara oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego, inaanu la wareegnay Deganaka Doonley oo dhaxeeya Shabeellow iyo Camaara oo cadowga u ahayd Talis iyo difaac weyna ay ku lahaayeen, dagaalkaas waxaa uu ahaa dagaalladii Khawaarijta lagula jiray midkii ugu waqtiga dheeraa oo socday 8-saacadood, runtii waxaa ka dhacay duqeymo aad u fara badan, nimankii Khawaarijta ahaa gododka waa laga saaray,” ayuu yiri Taliye Biixi.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in Khawaarijta dagaalladaas oo aad u xoogganaa looga dilay rag fara badan oo gaaraya 117 dagaalyahan.

“Waxay ciidamada hadda ku daba jiraan firxadkooda, Khawaarijta ayaa ku go’doonsan ilaa iyo afar fariisin oo ay ku dhuumaleysanayeen. Howlgalkana weli waa socdaa” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi.

Howlgallada ka socda guud ahaan gobolada dalka ee lagu bacsanayo haraadiga Khawaarijta ayaa ilaa iyo hada guulo isdaba joog ah ay ka soo hoynayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Yuusuf Dabageed oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Waare

Cabdi Cade

Raísul Wasaare Xamse oo u ambabaxay Qatar iyo Ujeedka Safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Nin Tv-ga Qaranka sheegeen in uu ahaa Horjooge katirsan Al Shabaab oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---