Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa safarkiisii ugu horreeyay ku tagay goobaha uu ka dhacay dhulgariirka ee dalkiisa tan iyo markii uu dhulgariirka dhacay, isagoo booqday isbitaal ku yaalla magaalada Xalab isaga iyo xaaskiisa Asma, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Dowladiisa ayaa ogolaatay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo jiidaha hore ee dagaalka sokeeye ee dalka ka socday 12-kii sano ee la soo dhaafay, tallaabadaasi oo soo dedejin karta caawinta malaayiin qof oo quus ah.
Mar sii horreysay, hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegtay inay gabaabsi tahay kaydkii ay ku lahayd waqooyiga-galbeed ee Suuriya oo ay gacanta ku hayaan fallaagada, iyadoo xaaladda dagaalku ay sii adkeysay dadaallada gargaarka.
Dhulgariirkii Isniintii oo cabirkiisu ahaa 7.8 magnitude, oo dhowr dhulgariir xoog leh ka dhacay Turkiga iyo Suuriya, ayaa noqday masiibadii toddobaad ee ugu dhimashada badnayd qarnigan
Dhimashada ayaa haatan kor u dhaaftay 24,150 guud ahaan koonfurta Turkiga iyo waqooyi-galbeed ee Suuriya, Dhulgariir kan lamid ah oo ka dhacay waqooyi-galbeed Turkiga 1999-kii ayaa dilay in ka badan 17,000 oo qof sanadkii 1999-kii.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com