Sargaal 9-bilood Suuxsanaa oo markii uu soo toosay Niyad Jab xoogan la kulmay

Sarkaal ka tirsan booliska Kenya ayaa ka kooma ka soo toosay ka dib sagaal bilood oo ku jiray balse waxa uu la kowsaday, shaqadii oo laga ceyriyay. Waxaa lagu eedeeyay inuu goostay.

Qoyska iyo ciidanka booliiska midkoodna wax fikrad ah kama haysan halka uu joogo Reuben Kimutai Lel – abtigiis ayaa BBC -da u sheegay inay u maleeynayeen inuu dhintay.

Balse waxaa soo baxday inuu ahaa dhibane shil baabuur oo ku jiray mid ka mid ah isbitaallada ugu waaweyn dalka Kenya.

Waxa uu soo miyirsaday uun toddobaadkii hore. Joan Jeptoo oo ah oo ah gabar uu adeer u yahay ayaa BBC -da u sheegay argagaxa qoyskan markii ay meydkiisa ka baadi goobayeen qolalka meydadka lagu keydiyo kadib markii ay ka nolol kaga quusteen.

Xitaa mar ayay ku dhowaadeen inay soo qaataan mayd la sheegay inuu isagu yahay.

“Waxaan u malaynay inuu dhintay sababtoo ah taleefankiisu wuu dansanaa. Sannadkan horaantiisii ​​waxaan u tagnay inaan soo qaadno mayd la noo sheegay inuu isaga u eg yahay, laakiin farahooda ayaa kala duwanaa,” ayay tiri.

Sarkaalka booliiska ah ayaa 21 -kii Diseembar ee sannadkii 2020 isagoo aan la garanaynin la dhigay isbitaalka weyn ee gudbinta ee ku yaal caasimadda Nairobi. Wax waraaqo aqoonsi ahna ma uusan wadan.

Dhanka kale, waxaa laga ceyriyay shaqadiisii, isaga inuu shaqada ka goostay waxaana loo jaray waaran lagu soo xirayo. Kiiska ayaa markii dambe dib looga noqday kadib markii boolisku ay ka quusteen inay soo helaan.

Wuxuu soo miyirsaday toddobaadkii hore, inkasta oo uusan weli dib u helin xusuustiisa oo buuxda, waxa uu xusuustay magaciisa iyo in uu yahay sarkaal boolis ah sidaas ayayna ku billaabatay raadinta eheladiisa.

Gabadhii uu abtiga u ahaa ayay boolisku la soo xiriireen Arbacadii la soo dhaafay waxaana loo sheegay inuu aado isbitaalka.

“Waxaan ka helay Isbitaalka Kenyatta National Hospital, wuu i garan waayay, mana uusan aqoonsan karin magacyada xubnaha qoyskiisa,” ayay tiri.

Sarkaalka booliiska ah ayaa laga saaray isbitaal Jimcihii la soo dhaafay waxaana uu ku joogaa gurigiisa oo ku yaalla Koibatek, kowntiga Baringo, waxaana gacanta ku haya xaaskiisa iyo qoyskiisa.

Sida lagu daabacay bogga wararka ee Daily Nation, waxaa socda qabanqaabadii dib loogu soo celin lahaa booliiska.

Si kastaba ha ahaatee, gabadha uu adeerka u yahay ayaa sheegay in sarkaalka, oo ku jira da’ada 50 -meeyada, uu sugayay hawlgabnimadiisa.

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -