Iskuul ku yaalla Kenya oo amar yaab leh ku soo rogay gabdhaha wax ka barta (Sawirro)

Qaar ka mid ah ardayda cusub ee sanadka koowaad ee dugsiyada sare u tagaya iskuulada ku yaalla galbeedka Kenya, ayaa timaha laga xiiray, si ay ugu hoggaansamaan xeerka “dharka” ee adag.

Ardaydan cusub oo ay galbinayaan waalidiintooda iyo mas’uuliyiintooda, ayaa safaf dhaadheer u galay miisas kala duwan, si ay u maraan nidaamka ogolaanshaha, kuwa lagu helo inay timo dhaadheer leeyihiin, ayaa loo diray koox timo-jareyaal ah.

“Ku soo dhawaada iskuulka gabdhaha u gaarka ah ee Kereri, hablaha halkan u jooga waa inay maraan hab raacyada looggu ogolaanayo ku biirista iskuulka, haddii aad timo dheer leedihiin, waa siyaasadda dugsiga in la idinka xiiro,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta iskuulka, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

TV maxali ah, ayaa baahiyay muuqaal ardayda wax ka baranaysa iskuulka oo timahooda laga xiirayo.

Qaar kamid ah dadka falan qeeyey sheekadan, ayaa dhaleeceeyay dugsiga hoyga ah ee ismaamulka Kisii, iyaga oo sheegay in uu diirada saarayo arrimo aan muhiim ahayn, halkii ay awoodda saari lahaayeen daryeelka ardayda.

Sharciyada adag ee lebbiska, ayaa waxay ku badan yihiin xarumaha waxbarashada ee dalka Kenya, oo ay ku jiraan jaamacadaha qaar.

Xigasho:BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -