Ciidanka Xoogga dalka soo bandhigay xubno ka soo goostay Al-shabaab (Sawirro)

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa soo Bandhigay xubno ka soo goostay Al-shabaab oo isku soo dhiibay dowlada Soomaaliya.

Labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu kala magacaabo Cabdulqaadir Yuusuf Aadan iyo  Salaad Maxamed ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Raggan ayaa 6-sano ka tirsanaa Al-Shabaab, waxayna ka qeyb qaateen dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobollada dalka qaarkood sida ay sheegeen wareysi ay bixiyeen.

Sidoo kale labadaan nin ayaa sheegay inay u adkeysa waayeen dhibaatada ay la kulmeyso al-shabaabkii ay ka tirsanaayeen, taasoo ku qasabtay inay ka soo haraan sida ay hadalka u dhigeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -