Weerar lagu dilay dad Kenyan ah oo lagu qaaday gaari Bas ah iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaari bas ah oo marayay deegaan lagu magacaabo kutulo oo kuyaala duleedka magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka lagu beegsaday gaari bas ah oo kasoo safray magaalada Nairobi kuna sii jeeday Degmada Mandheera, waxaana la sheegay in dadkii baska saarnaa loo kala soocay Muslim iyo gaal ah.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday gaariga baska ah, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarka lagu dilay 10-qof Kenyan ah oo sheegeen in ay yihiin Kirishtaan.

“Mujaahidiinta ayaa weerar ka dhacay gobolka NFD ku dilay 10 qof kirishtaan Kenyaan ah kadib markii ay wadada ugaleen gaari ka yimid magaalada Nairobi kunasii jeeday degmada Mandheera” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Saraakiil katirsan booliiska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday gaariga baska ah, waxa ayna saraakiishan ka gaabsadeen in ay faah faahiyaan khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro gaadmo ah ku qaaday basas ku safrayay gudaha dalka Kenya, waxa ayna Al Shabaab si gaar ah u beegsadaan dadka aan muslimka aheyn ee ku safra gaadiidka basaska ay jidadka ku helaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -