R/Wasaare Kheyre oo Shaqo joojin ku sameeyay Wasiir kuxigeenka Wasaarada A/Dibadda

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khere aaa shaqada looga joojiyay Wasiirka kuxigeenka Wasaarada Arimaha Dubadda oo dhawaan lagu soo eedeeyay Musuq maasuq iyo arimo kale.

“ Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,markuu arkay qodobka 100,xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS,markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka,xeer hoosaadka Golaha Wasiirada,shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan,isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka,markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda,markuu garowsaday in la gun gaaro dulucda Murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin,laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Augost sanadka 2018-ka,waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud Waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”

Shaqo joojintan lagu sameeyay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arimaha Dibadda ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan Ciidamo katirsan booliiska ku guul dareesteen in ay soo xiraan Wasiir kuxigeenkan oo eedeyn uga timid Xafiisyada Hanti Dhowraha iyo Xeer ilaalinta.

Waxaan wali la ogeyn in Maxkamad lasoo taagi doono iyo in kale Wasiirkan kuxigeenkan maanta shaqada looga joojiyay horeyna Maxkamad u amartay in loo soo xiro kadib dambiyo lagu soo eedeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -