Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiin isku Diiwaangelisay Doorashada Kursi lasii ogyahay qofka kusoo baxaya (Sawirro)

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa lagu qabanayaa doorashada kursiga HOP147 uu horey ugu fadhiyay taliyaha hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Doorashada kursigan oo loo xiray musharax gaar ah waxaa ilaa hadda isku diiwaangeliyay labo musharax oo kala ah Aamina Tahliil Warsame iyo sidoo kale musharax Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim.

Sida aan xogta ku helnay kursigan oo doorashadiisa tahay mid xiran waa loo qorsheeyay oo madaxtooyada Soomaaliya iyo taliyaha NISA Mahad Salaad u wataan musharaxa Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim oo la hubo in uu kusoo baxayo.

Siyaasiyiin dhoor ah oo damac ka galay kursigan ayaa isaga tanaasulay doorashada ,kaddib markii lagu wargaliyay in doorashada tahay mid xiran oo loogu tala galay in uu kusoo baxo musharaxa ay wataan kooxda talada dalka heysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin gowrac lagu dilay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Madaxwayne Xaaf oo shacabka Galmudug ku eedeeyay in aysan diyaar u ahayn dhismaha dekadda Hoobyo iyo Warar kale …

admin

Maxaa ka qaldan xeerka nidaamiyaha ujuurada Maxkamadaha ee dhawaan lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---