Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Siyaasiyiin iyo Odayaal ka qeybgalaya Shirka Baydhabo (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay wafdiga ka socda Gobolka Bakool oo magalada Baydhabo u jooga ka qeyb galka Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga ka socda Gobolka Bakool ayaa kulankooda diiradda lagu saaray sidii loo suura-gelin lahaa guul ka gaarista Shirka Dib u Heshiisiinta KGS iyo inuu natiijo wanaagsan ku soo dhamaado shirka.

Wafdiga oo isugu jiray odayaal dhaqameed, siyaasyiin iyo bulshada rayidka ayay Guddoomiyaha u sheegeen in ay garab taagan yihiin sidii shirkan loogu guuleysan lahaa isla-markaana degaannada looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Shirka dib u heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa wali ka socda magaalada Baydhabo, mana jiraan ilaa hadda guulo la taaban karo oo kasoo baxay shirkan xalka loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ja dhalatay muddo kororsiga Laftagareen.

- Advertisement -