Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab oo u hanjabay Bankiyada dalka ka howlgala

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa si kulul uga hadlay sharciga Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman oo uu dhawaan ansixiyay Golaha Shacabka ee baarlamanka Somalia, wuxuuna sharcigaas ku tilmaamay inuu yahay mid la damacsan yahay in la boobo hantida dadka Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay in sharcigan ay wado DF oo Mareykanka gadaal ka riixayo looga dan leeyahay beegsiga shirkadaha ganacsiga iyo sidii xalaaleysan lahaa boobka hantida shacabka.

“Arrinan waa qorshe uu Mareykanku ka soo shaqeeyay, una diyaarsaday shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa,  xeer ku sheeganna waa midkii uu u adeegsan lahaa si uu hantidaas u xalaaleysto,” ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere oo fariin cod ah soo dhigay baraha ku hadla codka Al-shabaab ayaa ku eedeeyey Mareykanka inuu 20 sano ka xayiray hantidii shacabka Soomaaliyeed, haatana uu damacsan yahay taasoo kale.

“Mareykanku hanti ummada Soomaaliyeed leedahay ayuu 2001-dii xayiray isagoo ku andacoonaya inay argagixiso leedahay. Xilligaas Shabaab ma jirin, tobanaan sano kadib ayuu qirtay in eedeymahaas ay khalad ahaayeen, ilaa iyo maanta hantidas dadkeedii looma soo celinin oo way ka baahan yihiin, gaaladii ayaana haysata.” ayuu yiri Cali Dheere

Waxaa uu hanjabaad culus u diray bankiyada Soomaalida oo uu uga digay inay xogta macaamiishooda la wadaagaan wax uu ugu yeeray cadowga islaamka.

“Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leennahay, cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad gaalada u dhiibtaan, adinkoo ku andacoonaya xeerar caalami ah iyo wax aan Ilaahay oggoleyn” ayuu yiri afhayeenka oo xusay iney isha ku hayaan bangiyo uu sheegay iney yihiin ajaanib  raba inay yimaadaan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo uu xusay in ey talaabo adag ka qaadi doonaan.

Dowlada Somalia ayaa dhowaan sheegtay iney xanibtay in kaa badan 250 akoon oo Al-shabaab ay ku laheyd bankiyada dalka, kuwaasoo Al-shabaab loogu shubi jiray malaayiin dollar oo ay ka qaadaan ganacsatada

Dadka falanqeeya arrimaha Al-shabaab ayaa hadalka Cali dheere ku sifeeyey mid muujinaya sida kooxdu ay u taabatay xanibaada dhaqaale ee ay dowladu ku soo rogtay, ayna ugu baahi qabto malaayiinta doolar ee ka xaniban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -