Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xassan Shiikh oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb galayasha shirkii Culimada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culimadii ka qayb gashay Shirweynaha Culumada Soomaaliyeed ee maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho

Xassan Shiikh uga mahad celiyay culimada sida midnimada leh ee ay Ummadda soomaaliyeed ugu soo bandhigeen wax uu ugu yeeray baadinimada kooxaha Khawaarijta, ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo garab istaagga ay u muujiyeen Jihaadka dalka looga ciribtirayo.

Munaasabaddan waxaa kasoo qayb galay, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin iyo Culumaa’udiin soomaaliyeed.

Culimada Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saaray Shirweyne uga socday Muqdisho 23-26-Jannaayo 2023. Culimada ayaa bogaadiyey howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Alshabaab.

Related posts

Wiil Soomaali ah oo abaal marin dahabi ah lagu guddoonsiiyey dalka Norway

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: R/Wasaaraha Itoobiya oo kulan xasaasi ah a qaatay Madaxweyne C/fataax Al-sisi

Cabdi Cade

Nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo oo laga guddoomay Karry Andre (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---