Allbanaadir.com
NEWS

Hooyo Xaflad ay aadeesay Sabab u noqday Geerida Wiilkeeda iyo Carro ka dhalatay !

Booliska dalka Cameroon waxay xabsiga dhigeen Haweeney magaceeda la qariyey, taasi oo la sheegay in wiil yar oo ay dhashay u dhintay, kaddib, markii ay siisay xaddi badan oo kaniiniga Tramadol ee ay dadka balwadda leh isku daroogeeyaan.

Haweeneydaasi waxay falkaasi u samaysay si uu cunuga u hurdo oo iyadana ay raacdo saaxiibo u socday xaflad caweys .

Shaqsi ka mid ah isticmaalayaasha barta Instagram waxa uu dadka la wadaagay sawirada haweeneyda iyo cunugeeda u dhintay kaniiniga ay siisay, si ay saaxiibadeeda ula soo xafladeyso.

Dhacdadan ayaa la soo weriyey inay ka dhacday deegaanka Likombo area ee Gobalka Tiko ee ku yaalla waqooyi galbeed ee dalka Cameroon.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa lagu sheegay inay haweeneyda ilmaha ku xirtay guriga, kaddib, markii ay siisay xaddi badan oo Kaniiniga Tramadol, ka hor intaysan aadin Xafladda.

Haweeneydaasi oo dib guriga ugu soo laabtay aroornimadii xigtay, waxay aragtay wiilkeeda oo u dhintay natiijada Kaniiniga daroogada ahaa oo ay siisay.

Cunuga dhintay waxaa la sheegay inuu dhowr bilood oo keliya jirey.Dadka Deegaanka Likomba ee ah goobta uu ilmaha yar ku dhintay oo aad uga carrooday falka ayaa la sheegay inay haweeneydii si xun u garaaceen, una gacan geliyeen booliska oo xabsiga dhigay.

Ilmihii yaraa ee sababsaday gacanta hooyadiisa ayaa waxaa la aasay, kaddib markii baaritaano lagu sameeyey sababta uu u dhintay.

Qalinka: Ustaad Nuradin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsatada Gobolka Banaadir Halala Hadlo oon yaan Caasi lagu noqon

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qarax xoogan oo ka dhacay Suuq Muqdisho kuyaala (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday Guri uu degnaa Sargaal ciidan

Cabdi Cade