Soomaaliya oo 33 sano kadib caawa gaartay guul weyn oo taariikhi ah (Akhriso)

Wasaarada gaadiidka iyo Duulista hawada Somalia ayaa shaacisay in caawa, 26/01/2023, 00:01am xiliga geeska afrika ay maamulka Hawada Soomaaliya isu bedeli doontaa (CLASS A airspace) oo ah heerka ugu sareeya maamulka Hawada uu dal leeyahay. Tani waxay imaanaysaa 30 sano kadib oo looga shaqaynayey heerka ugu hooseeya ee CLASS.

Wasiirada gaadiidka iyo Duulista hawada Fardowsa Osman Cigal ayaa soo saartay qoraal ay arrintan ku faahfaahisey kaasoo ku bilowday sidatan:

Hambalyo Qaranka iyo Umadda Soomaaliyeed

Sharaf ayay ii tahay inan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qaranka la wadaago guusha weyn ee taariikhiga ah ee  hawada Soomaaliya oo caawa saacado marka ay tahay 12:00 saqda dhexe ah 26ka Janaayo 2023 , si rasmi ugu wareegi doonta heerka ugu sarreeya ee Darajada (Class A).

Waa dhacdo weyn oo wax ka tiri doonta badqabka Hawada iyo amniga marinnada hawada ee ugu mashquulka badan gobolka iyo caalamka. Sidoo kale , wuxuu hannaankan gacan ka geysan doonaa korarka Dhaqaalaha ee dalkeenna.

Waxaa u mahadcelinayaa hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’adeenna Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay, 30 sanno kaddib dalkeenna uu la soo wareegay maamulka Hawada . Waxaan kale u mahadceliyaa hay’adaha iyo ururrada caalamiga ee wada shaqeynta iyo iskaashiga wadaaga ah ee aan ku gaarnay darajadan, kuwaa oo ay ugu horreeyaan ICAO iyo IATA.

- Advertisement -