Muuse Biixi oo sheegay in DF ay Somaliland ku soo qaaday dagaal diblomaasiyadeed

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aqoonsiga dowladnimo ee caalamku siiyey qeyb ka mid ah Somalia uu noqday hub lagula dagaalamo Somaliland.

Muuse Biixi ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabadda furitaanka shirka afraad ee xisbiga Kulmiye oo ka dhacday magaalada Hargeysa.

“Somaliland waxay si cad ugu sheegeysaa beesha caalamka oo dhan iyo cid kasta oo daneyneysa arrinta Soomaaliyeed, in aqoonsiga la siiyey qeyb ka mid ah dalkii burburay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya uu noqday hub lagula dagaalamo jiritaanka Somaliland.” ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in haatan dunida uu ka bilowday hardan dhaqaale oo xoog leh, isagoo tusaale u soo qaatay loolanka adag ee ka dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha.

“Dal kasta oo leh awood dhaqaale iyo mid ciidan, waxay ku tartamayaan mandiqadda aan ku noolnahay ee badda Cas, waxaana arkeynaa is bedellada xooggan ee ka socda gobolka,” ayuu yiri Muuse Biixi oo intaas ku daray in arrintaas loo baahan yahay Somaliland iney ka faa’iideysato.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa aqoonsiga ay calamka ka heysato ay dagaal diblomaasiyadeed ku soo qaaday Somaliland.

“Waa dhab in aanaan heysan dhaqaale buuran, haddana yeeli-meyno in waxyeeleynta qarankeena dhaqaale loogu soo gambado, kana tanaasulno” ayuu yiri Madaxweyne Biixi intaas ku daray in Somaliland ay tahay qaran bir ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -