Mid ka mid ah dagaaladii ugu waqtiga dheeraa caalamka oo la soo afjarayo

Madaxweyne Biden ayaa xaqiijiyey Mareykanka ayaa sii wadi doona inuu taageero Afghanistan ka dib marka uu kala baxo ciidamadiisa.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku adkeystay inay tahay waqtigii ugu haboonaa ee ciidammada Mareykanka laga soo saari lahaa Afghanistan – labaatan sannadood ka dib markii ugu horreysay ee ay galeen.

Blinken ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Brussels ku sheegay in xoogagga Mareykanka ay isku dubaridi doonaan bixitaankooda.

Wuxuu sheegay inay ku guuleysteen yoolalkii ay dejiyeen. Talaadadii, saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka bixi doonaan Afghanistan 11-ka bisha Sebtember waxaana la sugayaa in Madaxweyne Biden uu ku dhawaaqo go’aankaasi.

Dagaalka Ciidamada maraykanku ku qaadeen Afghanistan oo socday 20 sano ka badan ayaa noqonya kii ugu waqtiga dheeraa abid ee ciidamada Maraykanku ku lug yeeshaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -