Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo kulan xasaasi ah ku leh Magaalada Muqdisho

Golaha Wasiirada Xukuumada federaalka Somalia ayaa goor dhow waxaa uu shir uga furmay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho, shirkan ayaana la filayaa in looga hadlo arimo kala duwan.

Shirkan oo ah kii todobaadlaha ahaa ee golaha Wasiirada ayaa waxaa guddoominaya Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federalka Xasan Cali Khayre.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin dardar gelinta howlaha Xukuumada iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka gaar ahaan dhinacyada, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xili xiisad iyo kala qeybsanaan xoog leh ay ka dhex taagan tahay xildhibaanada Baarlamanka Somalia taasoo ka dhalatay mooshin shalay laga soo gudbiyey Guddoomiye Jawaari oo sharcnimadiisa lagu muransan yahay.

Ilo wareedyo ayaa Allbanaadir.com u sheegay in shirka Golaha wasiirada aan lagu soo qaadi doonin khilaafka kaa dhex taagan baarlamanka dalka oo hadda maraya meel aad adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -