Allbanaadir.com
NEWS

Sawirro” Madaxweyne Xasan Sheekh oo Culimada Koonfur Galbeed kala hadlay Labo arrin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Koofur Galbeed ayaa ka dalbaday in ay doorkooda ka qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta iyo wadajirka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorkooda wanaagsan ee fidinta diinteenna suubban, wacyi gelinta iyo toosinta bulshada isaga oo ku adkeeyay in ay kaalin muuqata ku yeeshaan halganka dib u xoreynta dalka gaar ahaan dabar goynta fikirka gurracan ee Khawaarijta.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dib u heshiisiinta, dowlad dhiska iyo la dagaallanka fikiraayay xagjirka ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday xoreynta, xasilinta dalka iyo dowlad-wanaagga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaan xaqiijinta Soomaaliya xor ah, xasillan isla markaana Barwaaqo ah.

Related posts

Xildhibaan Mucaarad ku ah Xasan Sheekh oo dil loogu hanjabay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo maanta shaacinaya liiska Musharaxiin laga sugaayey

Caydiid Ali

Qodobo Xasaasi ahaa oo la isku afgartay Shirka Garawe iyo Xaaf oo Mudo kordhin loo sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---