Lacag Malaayiin dollar ah oo loogu deeqay Somalia, (Maxaa lagu qabanayaa?)

Japan ayaa sheegtay inay ugu deeqeyso Soomaaliya lacag dhan 4.5 milyan oo doollarka Mareykanka ah, taasoo loo soo marsiinayo hey’adda qaxootiga ee UNHCR, waxaana loogu talagalay dadka barakacayaasha iyo qaxootiga Soomalida ee ku jira xeryaha qaxootiga wadamada jaarka la ah Soomaaliya.

Waxqabadkii ugu dambeeyay ee Japan wuxuu awood u siinayaa UNHCR inay dardar geliso dadaalkeeda bini’aadanimo ayna u fidiso adeegyo guud ahaan 32,460 qof oo ay ku jiraan qaxooti, ​​magangalyo-doonka ah, dib u soo laabasho, dadka gudaha ku barokacay (IDPs) iyo qoysaska bulshada martida u ah ee nugul.

Lacagtani waxay ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya la dagaallameyso mowjado cusub oo Coronavirus ah kuwaasoo laga baqayo inay sii adkeeyaan Guulaha Dhaqaale ee laga gaaray Somalia marka loo eego lacagaha loogu deeqay.

Soomaaliya sidoo kale waxaa heysata biyo la’aan daran waxayna wali la daalaa dhaceysaa saameynta fatahaadii baahsaneyd sanadkii hore iyo Duufaantii Gati.

UNHCR waxay la shaqeyn doontaa shabakad kaashaneysa hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah sidii loo soo saari lahaa dhowr faragelin oo lagu taageerayo bulshooyinka nugul ee ka la daalaa dhacaya noloshooda inta lagu jiro aafada cudurka Covid 19, iyo sidoo kale in la dhiso awoodda hay’adaha dowladda ee ka hortagga faafitaanka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -