Madaxweyne Xasan Sheekh oo si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira labada golle ee dowladda ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha la socday madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Wasiiro iyo xildhibaano katirsan heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Baydhabo u tagay ka qeybgalka furitaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo lagu wado in si rasmi ah uga furmo magaalada Baydhabo.

Shirka dib u heshiisiinta ee la isugu keenayo siyaasiyiinta ku kala aragti duwan maamulka Koonfur Galbeed ayaa gogoshiisa waxaa dhigay guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana shirkan la doonayaa in xal looga gaaro khilaafka siyaasiyiinta u dhaxeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -