Dowlada Iran oo bur burisay Unug kamid ahaa CIA-da dalka Mareykanka 

Dowlada Iran ayaa gacanta ku dhigtay dad basaasiin ah oo la sheegay in ay u shaqeenayeen sirta Qaranka dalkaasina u gudbinayeen Sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA-da.

Sirdoonka Iran ayaa xiray 17 qof oo la tuhunsan yahay in ay la shaqeenayeen CIA-da Mareykanka, waxaana qaar kamid ah dadkaasi la xiray lagu riday xukun dil ah halka kuwa kalana xabsi dheer lagu xukumay.

Madaxa qeybta ka hor-tagga sirdoonka ee wasaaradda sirdoonka Iran, oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Tahran ayaa sheegay in  Hay’adaha amaanka bur buriyeen Unug basaasiin ah oo kamid ahaa  CID.

“ Hay’adaha ammaanka waxa ay si guul leh u burburiyeen unug basaasiin CIA, kuwa sida ku talo-galka ah dhabarka uga toogtay dalkooda, waxaa loo gacan geliyey cadaaladda…qaar waxaa lagu xukumay dil, qaarna xabsi dheer.” ayuu yiri Sargaalkan katirsan Sirdoonka Iran

Warkan kasoo baxay dowlada Iran ayaa kusoo aadaya xili ay sii kordhayaan xiisada siyaasadeed ee xiligan ka dhax aloosan dowladaha Iran iyo Mareykanka, waxaana labada dal Warbaahinta isku dhaafsanayaan hadalo kul kulul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -