Allbanaadir.com
NEWS

Nolosha Qoys ku nool Bartamaha kala wareeg Isgooys weyn (Daawo Sawirro)

Muddo 40 sannadood ah ayay qoyskani ku nool yihiin bartamaha kala wareeg isgoys ah. Waxayna diideen inay ka guuraan maadaama iyaga oo degan la sameeyey isgoyska.

Sannadkii 1960-kii, David John iyo Eirian Howatson wax walba waxay u ahaayeen caadi, deegaankuna wuxuu ahaa mid meeshii ay rabaan ay ka degi karaan ilaa markii dambe gurigooda uu kusoo aaday rounabout ama kala wareeg isgoys ah oo dhinacyada laga marsiinayo. In kasta oo doorasho la siiyay – ah inay ka guuraan – haddana qoyskan ayaa iska diiday inay ka guuraan. Taniyo markaas ayayna deganaayeen halkan.

“20 sano kahor intaan nala ku dul dhisin isgoyska ayaa deganeyn halkan. Mana ahayn kuwo ka walwala jaar la’aan heysata, waayo waxaa wehel noogu filnaa gawaarida dhinacyadeeda isku dhaafaysa,” ayuu yiri David.

Wuxuu sheegay in dadku ay is weydiiyaan sida ay mararka qaar kusoo galaan gurigooda maadaama meeshu ay waddo afarta gees la iskaga imaanayo ay tahay. Wuxuu u sheegay in ciriiriga waddadu aysan maalinkii oo dhan joogto ahayn sidaasna ay ugu fududahay inay gurigooda galaa-baxaan.

Aad bay ugu qanacsan yihiin nolosha ay halkan ku heystaan. Mana muujiyaan wax qorshe ah oo mustaqbalka ay uga guuri doonaan meel kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay xubno badan oo katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Amaanka oo fashiliyay qarax la doonayay in dhibaato lagu geesto (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Janan oo xaalad halis ah galay iyo Dhaawacyo Badan oo Muqdisho la keenay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---