Askari dil argagax leh maanta u geestay Wade Mooto Bajaaj oo la qabtay

Askari katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa saakay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe gaar ahaan goob ay taalay isbaaro ku dilay nin shacab ah oo wade ka ahaa mooto bajaaj .

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in askariga iyo wadaha mooto bajaajta ay ku murmeen lacag baad ah oo gaareysay shan kun oo shilin Soomaali ah uu dalbaday askariga, waxaana muran kaddib askariga xabbad la dhacay wadihii mooto bajaajta.

Meydka ninka la dilay ayaa muddo dhax saarnaa mootadii uu watay, waxaana goobta dilku ka dhacay isugu soo baxay shacabka magaalada, kuwaa oo dhigay dibad bax ay ku dalbanayeen in lasoo qabto gacan ku dhiiglaha.

Ciidamada dowladda ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Balcad ugu suurto gashay in ay gacanta kusoo dhigaan askariga dilka geestay oo isku dayay in uu baxsado, waxaana gacan ku dhiiglaha lagu wareejiyay ciidamada booliiska.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey ammar uga soo saaray isbaarooyinka yaalla gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana muuqata in uusan wali hirgalin amamrkii madaxweynaha ayna yaallaan gobolkaasi isbaarooyinka dadka lagu dilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -