Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo wafdigiisa oo caawa gaaray Qaahira

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa caawa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Masuuliyiin sare oo ka tirsan dowlada Masar ayaa kaga hortagay wafdiga Raisul wasaaraha garoonka dayuuradaha magaalada Qaahira.

Hamza Abdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ku joogi doona dalka Masar.

Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, waxay wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo la kulmay Agaasimayaasha Wasaaradaha Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho 100-kii Maalmood uu xafiiska joogay Maxaa u qabsoomay ?

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo Caawa Warbixim siiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---