Allbanaadir.com
NEWS

Qarax dhimasho badan sababay oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Qarax ayaa ka dhacay maanta degaanka Km13 oo ku yaalla wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo meel durugsan laga hagayey ayaa waxaa lala eegtay gaari ay wateen ciidamada milaretiga dowlada Somalia oo halkaas marayey.

Khasaare xoogan ayaa ka dhashay qaraxan, iyadoo dad goob joogayaal ay sheegeen in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ay ku naf waayeen halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Askarta ku dhimatay qaraxan ayaa waxaa ku jiray guddoomiyihii hore ee degmada Ceelbuur oo magaciisa lagu soo gaabiyey Biyo-quute kaasoo ka tirsanaa  saraakiisha  ciidanka Milateriga.

Gaariga ay wateen ciidankani oo qaraxu uu haleelay ayaa waxaa so gaaray burbur aad u xoog badan, iyadoo daqiiqado ka dib ay halkaas gaareen ciidamo kale oo ka tirsan dowlada.

Qaraxyada miinooyinka loo adeegsado  ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey ku soo batay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo lala beegsaday intooda badan ciidamada dowlada iyo AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah taliyeyaasha Booliska Gobolka Banaadir oo saaka la dilay

Caydiid Ali

Golaha Siyaasiyiinta Somaliland oo kahor yimid Habraacii ay soo saareen Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso xili uu saaran yahay bandow

Caydiid Ali