Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo ka carootay talaabo uu qaaday gudoonka Golaha shacabka Somalia

Golaha Baarlamanka Somaliland ayaa tallaabo daandaansi iyo duullaan lagu soo qaaday qarannimada Somaliland ku tilmaamay guddigii dhawaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu u magacaabay inay warbixin kasoo diyaariyaan xaaladda Laascaanood oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka jireen rabshado iyo dagaalo.

War saxaafadeed kasoo baxay golaha Somaliland ayaa lagu sheegay Warbixin kasta oo kasoo baxda golaha Muqdisho in aysan ku saleysneyn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Laascaanood sida warka loo dhigay

Tan iyo markii ay billowdeen xiisadaha ka taagan magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool waxaa isasoo tarayay siyaasiyiinta ka hadlayay rabshadaha ka dhacay halkaas oo ay ilaa hadda ku dhinteen ugu yaraan 20 qof halka qaar kalena ku dhaawacmeen

Maleeshiyo beeleed ka tirsan dadka degaanka ayaa dhowr habeen ka hor ka saaray magaalada laascaanood ciidamada Somaliland ka dib dagaal culus oo dhexmaray, iyadoo xiisada halkaas ka jirta ay weli taagan tahay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SOMALILAND

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Soomaaliya daris la ah oo laga hirgelin doono Wershad lagu farsameeyo Gaadiidka LADA

Cabdi Cade

Maxkamad go’aan kama dambeys ka gaartay xukunkii horey loogu riday weriye Coldoon

Caydiid Ali

Somaliland oo Mamnuucday baahinta Wararka la xiriira magaalada Laascaanood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---