Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Maxkamad go’aan kama dambeys ka gaartay xukunkii horey loogu riday weriye Coldoon

Maxkamadda racfaanka Maamulka Somaliland ayaa saaka la horkeenay C/Maalik Muuse Coldoon oo racfaan ka soo qaatay xukun ay horay ugu riday Maxkamadda Gobolka Waqooyi Galbeed.

Dhegeysiga dacwada ka dib Maxkamadda Racfaanka ayaa maxkamadda gobolka ku raacday xukunkii hore ee ay ridday oo ahaa xabsi 3 Sano iyo lix bilood ah.

Goobta saaka lagu xukumay Coldoon ayaa la sheegay inuusan joogin qareen difaaca Coldoon iyo qoyskiisa intaba sida uu dhigayo xeerka Somaliland taasoo ka hor imaneysa sharciga.

Weriye Coldoon ayaa lagu eedeeyay inuu u gefay Madaxweynaha Somaliland iyo inuu warar been abuur ah ka faafiyey Iskuul lagu magacaabo Abaarso oo ku yaalla duleedka Hargeysa

Qareenkiisii ayaa dhowaan iscasilay isagoo sheegay in Somaliland ay tahay meel cadaalad daro ay ka jirto, sharcigana lagu tunto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 1aad :- Maxay tahay Qisada mudan in lagu cibro qaato ee qabsatay Nebi Aadam CS?

admin

Qaylo dhaan laga keenay qorshe ay wataan Madaxda Dowlada federaalka

admin

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay Caano shubka Ugaaska Xawaadle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---