Xubno katirsan Guddi uu dhawwaan magacaabay Sheekh Aadan Madoobe oo is casilay

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhawwaan magacaabay guddi baaritaano ku sameeya gabood faladii ciidamada maamulka Somaliland ka geesteen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Labo xubnood oo katirsan guddiga uu magacaabay Sheekh Aadan Madoobe ayaa durba iska casilay in ay kasii mid ahaan guddiga , waxa ayna qoraal ay isku casilayaan u gudbiyeen guddoomiyaha golaha Shacabka.

Xildhibaanada iska casilay oo kala ah Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullahi-Carab) iyo Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Geel-gaad) ayaa ka cudur daartay kamid ahaanshaha guddiga, waxa ayna sheegeen in arrimo iyaga u gaar ah isku casileen.

Qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolada waqooyi ayaana si weyn uga soo horjeestay guddiga loo magacaabay baaritaanka dhibaatadii ciidamada Somaliland u geesteen shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -