Soomaaliya oo ka Nabdoon mid kamid ah Waddmada Caalamka ugu awoodda badan

Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay u muuqatay mid amnigeeda soo hagaagayay, waxaana hadda Soomaaliya dhinaca nabadgelyada iyo xasiloonida kaga hormartay waddamo dhoor ah ay ku jiraan kuwa waa weyn.

Warbixin uu soo saaray machadka dhaqaalaha iyo nabadda (The Institute for Economics and Peace) ayaa  lagu shaaciyay liiska dalalka ugu ammaanka iyo nabadda badnaa  caalamka sannadkii la soo dhaafay ee 2022-kii.

Soomaaliya ayaana liiska oo ka kooban 162 waddan ka gashay kaalinta 156-aad , waxa ayna Soomaaliya saro uga soo kacday halkii ay sannadihii hore uga jirtay qiimeynta dalalka ugu ammaanka liita caalamka.

Dalalka Soomaaliya kaga saro martay dhinaca xasiloonida waxaa kamid ah dalka Ruushka ,oo kamid ah waddamada caalamka ugu awooda badan kuna yaala qaarada Yurub, Ruushka ayaana galay kaalinta 160-aad ee dalalka ugu ammaanka xun caalamka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dhinaca xasiloonida iyo ammaanka kaga saro martay waddamada kala ah Iraq, Koongada Dimuquraadiga, Koonfurta Sudan , Suuriya iyo sidoo kale dalka Yemen oo hoggaanka u haya dalalka caalamka ugu amniga xun.

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -