Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaano Xasaanada looga qaaday Fadeexad weyn oo Qatar ku lug leedahay

Madaxweynaha Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa bilaabay hanaan degdeg ah oo la doonayo in xasaanadda lagaga xayuubiyo laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, ka dib codsi uga yimi hay’adaha garsoorka ee dalka Belgium, kuwaas oo baadhaya fadeexad weyn oo musuqmaasuq oo ruxday Midawga Yurub.

Baarlamaanka Yurub ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Roberta Metsola, inay ka codsatay dhammaan adeegyada iyo guddiyadu inay mudnaanta siiyaan arrintan, iyada oo la doonayo in la dhameeyo inta ka horraysa bisha February 13-keeda.

“Waxaa markii ugu ugu horraysay uu baarlamaanka Midawga Yurub uu sameeyey wax kasta oo awooddiisa ah, si uu uga gacan geysto baadhitaanada socda, waxaanna sii wadi doonaa inaan hubinno inaanay jiri doonin meel lagaga dhuunto isla xisaabtanka” ayay tidhi Metsola, waxayna hadalkeeda sii raacisay “Kuwa ka masuulka ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah. Lagama raalli noqon doono masuq maasuq, waxaanuna samayn doonaa wax kasta oo lagula dagaalamayo”

Xubnaha warbaahinta ee ka hawlgala ururka Midawga Yurub, ma aanay aqoonsanin labadan xubnood ee ka tirsan baarlamaanka, hase ahaatee laba masuul oo magacyadooda qariyey, maadaama oo aan loo ogolayn inay dhacdadan ka hadlaan ayaa tilmaamay in labada xubnood ay kala yihiin Andrea Cozzolinooo oo Talyaani ah iyo Marc Tarabella oo Belgium ah.

Xubnahan oo lala xidhiidhay wax falcelina kama bixinin arrintan.

Waxaa jira xildhibaan saddexaad oo lagu magcaabo Eva Kaili, kaas oo hore loogu soo oogay dacwado la xidhiidha inuu ku lug yeeshay eedo ku saabsan, inuu laaluush ka qaatay masuuliyiin ka tirsan Qatar iyo Morocco, kuwaas oo doonayey inay saamayn kuyeeshaan go’aano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Mudanaha Kaili ayaa xabsi ku jirta tan iyo bishii December 9-keedii, iyada oo sidoo kalena xabsiga la dhigay saaxiibkeen Francesco Giorgi oo ahaa la taliye ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo bixineysa AqoonsigA dadweynaha ID si loo helo Xogta dadweynaha

Cabdi Cade

Xukun dil ah oo lagu riday labo nin oo fududeeyay qaraxyo badan iyo dilal ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Maxkamada Sare ee Maraykanka oo gaartay go’aan ka nixiyey kumanaan Soomaali ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---