Galmudug oo Diyaarisay Ciidamo badan oo fulinaya howlgalo ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa manta booqasho dhirigalin ah ugu tagay ciidamada xoogga Iyo kuwa Galmudug ee howlgalada ka bilaabaya deegaanadda Galmudug.

Cali Ciid ayaa Ciidamada huwanta ah uga mahadceliyay sida ay har iyo habeen qorax iyo dhaxan ugu tagan yihiin si ay nabad ugu seexdan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Galmudug kunool.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sido kale ciidamada ku wargaliyay in madaxda Qaranka iyo madaxda Galmudug isla garteen in laga bilaabo bishaan Janaayo howlgalo cusub oo Al Shabaab looga xureenayo deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Waxa uu faray Madaxweynne kuxigeenka Galmudug ciidamada iyo saraakiisha hoggaamisa in ay u diyaar garobaan howlgalo cusub oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno badan oo Galmudug katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -