Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay sharciga cusub ee uu saxiixay Madaxweyne Xassan Sheekh? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo Todobaadkii tagay ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boggaadiyey Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoyska Caa’isha Ilyaas oo cabsi iyo Cadaalad daro uga guuray magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade

Habraaca & shuruudaha Doorashada Madaxweynaha Puntland oo la soo saaray

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo maanta soo arkay sida uu u shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha Cigaal (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---