Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo fariin u diray shacabka ku nool Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2023-ka oo ku beegan Sabtida 01/01/2023-ka uu hambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo  beesha Caalamka.

Muuse Biixi waxa uu mar labaad Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu hambalyo iyo salaan u diray dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u rajaynayaa in Sannadka 2023-ku noqdo kii la kowsada nabadgelyo xasillooni iyo horumar waara.

Ugu danbayn wuxuu madaxweynuhu shacbiga Somaliland, ku boggaadinayaa dedaalkooda horumarka iyo doorka muuqda ay ka qaataan nabadgelyada, wuxuuna ku dhiirigelinayaa inay kor u qaadaan wax-wada qabsiga iyo midnimada dhexdooda,  kuna tartamaan iskaashiga horumarka, isla markaana ilaashadaan jiritaanka qarankooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Dhigiisa Kenya iyo waxyaabihii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo yeeshay kulan arrimo badan looga arrinsaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Gaari ay la socdeen ciidamada Kenya oo miino ay kula kacday degaanka Haluuqa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---