Danjirihii Somalia u fadhiyey Liibiya oo geeriyooday & Xasan Shiikh oo ka hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Danjire Muxiyaddiin Maxamed Kaalmoy.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa tilmaamay in Danjire Muxiyaddiin uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga soo noqday Wasiir, diblumaasi dalkeenna matalay iyo Bare ka mid ahaa macallimiinta Jaamacadda Umadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey

Marxuum Danjire Muxiyaddiin Maxamed Kaalmooy oo ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1953, ifkana kaga tagay caruur (wiilal iyo gabdhaba leh), ayaa intii u dhexeysay sanadihii 1965-1976 waxa uu waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare ku qaatay Muqdisho, isagoo ka mid ahaa ardaydii ka qalin-jebisay Dugsiga sare Jamaal Cabdinaasir, halka intii u dhexeysay 1976-1978 uu kaga qalinjebiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo uu dhammeeyay heerka koowaad ee Kuliyadda Culuumta Siyaasadda.

Marxuumka oo bare Jaamacadeed ka noqday isla Kuliyadda Culuumta Siyaasadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed intii u dhexeysay 1979-1990 ayaa ahaa sidoo kale qoraa iyo xeel-dheere maadooyinka Juquraafiga iyo Taariikhda.

Marxuum Danjire Muxiyaddiin Maxamed Kaalmooy ayaa intii u dhexeysay 1987-1990 waxa uu ahaa Xoghayaha iyo Kuxigeenka Hoggaanka abaabulka ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) , si la mid ah intii u dhexeysay 1985-1990 waxa uu xubin ka noqday Golihii Shacabka ee Dowladdii Milatariga ay samaysatay.

Danjire Kaalmooy oo ka soo kala shaqeeyay Wargeysyadii (Ogaal iyo Halgan) , (Kasmo) iyo Telefishanka Universal ayaa ahaa barnaamij soo saare iyo qoraa sare .

Qaran-burburkii kadib waxa uu saldhigtay dalka Yemen, halkaasi oo uu macallin dugsi sare ka ahaa intii u dhexeysay 1993-2002, halka cilmi baare uu ka ahaa Jaamacadda Sanca intii u dhexeysay 1992-1993.

Intii u dhexeysay 2010-2012 waxa uu Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ka ahaa Qunsul. Intii u dhexeysay 2012-2013 waxa uu ku shaqeeyay xilka Wasiirka Howlaha guud, Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo Tamarta .

Intii u dhexeysay 2016-2019 waxa uu Siihaye ka ahaa Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya. Sanadkii 2020 ayaa loo dallacsiiyay darajada Safiir, isagoo noqday Safiirka Soomaaliya ee Liibiya oo uu xilkaasi hayay illaa iyo geeridiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -