Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo la sheegay in Xayiraad kusoo rogeen Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

Idaacada VOA ee xarunteeda tahay dalka Mareykanka ayaa baahisay in dagaalyahanada Al Shabaab xayiraado kusoo rogtay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Xubno lagu kalsoonaan karo oo magacooda qariyay ayaa idaacada VOA u sheegay in Al Shabaab joojiyeen dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda ugu weyn Soomaaliya ka howlgasha.

Wali lama oga sababta rasmiga ah ee Al Shabaab xayiraada ugu soo rogeen shirkadda isgaarsiinta Hormuud, maamulka shirkadda ayaa sidoo kale ka hadlin warkan ku aadan in Al Shabaab xayiraad kusoo rogeen.

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya ayaa horey u sheegay in Al Shabaab bilaabeen in isgaarsiinta ka jaraan deegaannada dagaalada looga qabsado, waxa ayna saraakiishan sheegeen in iyaguna si degdeg ah deegannadaasi uga hirgiliyaan isgaarsiinta.

Al Shabaab ayaana la sheegay in aysan ku qanacsaneyn in si degdeg ah nolosha ugu soo laabato deegaannada laga qabso sidoo kale ka shaqeeyaan isgaarsiintii ka jirtay deegaannadaasi sida ay sheegeen khuburo dhinaca amniga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Deni oo la dardaarmay ciidamo ka tirsan Puntland oo dhameystay tababar

Caydiid Ali

Saldhigyo ciidamada Mareykanku ku leeyihiin bariga dalka Siiriya oo la duqeeyey

Caydiid Ali

Go,aankii lagu cafiyay dadkii sida xun u dilay Jamal Khashoggi oo laga hor yimid

Cabdi Cade
Taboola Ads ---