Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Waddo 2-sanno kahor sidaan oo kale xariga looga jaray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dhismaha Wadda Interlock ah oo laga hirgaliyay Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Wadadan xariga laga jaray ayaa Isku xira Isgooska furayaasha iyo Isbitaal Jasiira , Wadadaan ayaa maamulka gobolka Banaadir sheegeen in dhismaheeda iska kaashadeen bulshada Warta Nabadda iyo maamulka.

Xarigjarka kadib ayaa Duqa Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda kunool in ay ku tartamaan ka qeyb qaadashada horumarinta degmadooda, gaar ahaan dhismaha waddooyinka, Nadaafada iyo Nabadgalyada.

Wadadan maanta xariga ka jaray duqa Muqdisho ayaa labo sanno kahor waxaa xariga ka jary guddoomiye kuxigeenkii hore ee maamulka iyo maaliyadda gobolka Axmed Iimaan, waxaana dad badan isweediinayaan waxa kalifay in hal waddo labo mar xariga laga jaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay Madaxweyne Farmaajo iyo Sargaal sare oo katirsan NISA !!

Cabdi Cade

Muxuu taliyaha ciidanka Dhulka kala hadlay Shacabka degaanka Janaale? (Sawirro)

Caydiid Ali

Shaqaale ku howlanaa dhismaha derbiga xadka Somalia iyo Kenya oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---